Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo jiidda hore kula ciidamay Daraawiishta Jubaland ayaa...

Sawiro;-Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo jiidda hore kula ciidamay Daraawiishta Jubaland ayaa ku dhawaaqay guluf cusub oo ka dhan ah AS.

2
0

Jimco  29, May 2026 {CBB}Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maalinkii saddexaad ee Ciidul Adxaa kormeer dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee ku sugan deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyey dadaalka iyo heeganka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca Jubaland iyo la dagaallanka Khawaariijta, isagoo ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan sugidda amniga iyo xasilloonida shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono howl-gallo lagu xoreynayo deegaannada wali ay ku sugan yihiin Khawaariijtu, wuxuuna ciidamada ku boorriyey inay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka Amniga Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdinaasir Seeraar Maax, Wasiir ku xigeenka Amniga Aadan Axmed Xaaji iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Maxamed Axmed Sabriye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here