Sabti 30, May 2026 {CBB} Booliska magaalada Shakopee ayaa maanta xiray nin 28 jir ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkii ka dhacay bannaanka goobta lagu tukaday Ciidul-Adxaa ee Canterbury Park Expo Center.
Dhibbanaha ayaa la aqoonsaday inuu yahay Khalid Ibrahim Abdi, oo 26 jir ahaa kana soo jeeday magaalada Shakopee.
Sida ay boolisku sheegeen, Khalid waxaa haleelay dhowr xabbadood subaxnimadii Arbacada wax yar ka hor 10:00 a.m., xilli uu ka qaybgalayay munaasabadda salaadda Ciidda ee ay qabanaysay Samaha Islamic Center.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa markiiba u qaaday Isbitaalka Hennepin County Medical Center (HCMC), balse dhaawacyadii soo gaaray awgood ayuu geeriyooday.
Tuhmanaha la xiray ayaa weli ku jira xabsiga degmada Scott County isagoo loo haysto tuhun dil ah. Ilaa hadda dacwad rasmi ah laguma soo oogin, waxaana baaritaanku weli socdaa.
Sida ku cad diiwaannada maxkamadaha Minnesota, tuhmanaha wuxuu hore ugu xukumnaa hal kiis oo weerar (assault) ah iyo hal kiis oo rabshad iyo buuq abuur (disorderly conduct) ah.
Mas’uuliyiinta Canterbury Park ayaa sheegay in muran uu dhex maray tuhmanaha iyo marxuumka gudaha xarunta salaadda wax yar ka hor dhacdada.
Sida ay sheegeen, labadooduba waxay u baxeen bannaanka dhismaha, halkaas oo toogashadu ka dhacday qiyaastii 50 fiit u jirta albaabka xarunta, xilli dad badan oo salaaddii kasoo baxay ay goobta ka baxayeen.
Dhacdadan ayaa si weyn uga naxdisay bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Minnesota, maadaama ay dhacday maalin barakeysan oo Ciidul-Adxaa ah, xilli boqolaal qof ay isugu yimaadeen cibaado iyo dabaaldeg.
Booliska Shakopee ayaa sii wada baaritaanka kiiska, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo eedeymaha rasmiga ah iyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta ka dambeysay toogashada.








