Sabti 30, May 2026 {CBB}Maxkamad ku taalo Dalka Mareykanka ayaa 10 sano oo xarig ah ku xukuntay Mohamed Aden Hared kadib markii lagu helay dambiga ah in uu dilay saxiibkiis oo lagu magacaabi jiray Ahmed Ibraahim Cariif sanadkii 2024.
Mohamed iyo Ahmed ayaa ahaa saxiibo ka wada shaqeeya xarunta Amazon ee ku taalla magaalada Lakeville ee gobalkan Minnesota ee Dalka Mareykanka.
Labadan wiil ayaa la sheegay in uu dagaal dhexmaray kadib uu Mohamed lasoo baxay bastoolad kadibna uu toogtay saxiibkiis Caarif.







