Khamiis 26, Sept 2024 {CBB}Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa la horgeeyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga gudaha oo la xiriirta magacaabista Taliyaha ciidanka Booliiska.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyay Taliyaha Ciidanka Booliska in loo magacaabo Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo loo yaqaano Diyaano.
Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyay howlaha ciidamada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.
Sidoo kale, wuxuu u tartamay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland doorashadii dhacday sannadkaan billaawgiisa.
Xilka taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa waxaa laga qaaday Sulub Axmed Firin oo shalay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu dallacsiiyay Darajada Sarreeye Gaas. Sulub ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, ka dib wareegto ka soo baxday Xafiiska ra’iisul wasaaraha.