Home WARARKA MAANTA Golaha Wakiillada DG Koofur Galbeed oo maanta lagu dhaarinayo Baydhabo

Golaha Wakiillada DG Koofur Galbeed oo maanta lagu dhaarinayo Baydhabo

2
0

Sabti  30, May 2026 {CBB}Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee dhowaan lagu doortay doorashadii isku sidkanayd ee Deegaannada maamulkaas ka dhacday ayaa maanta lagu dhaarinayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Munaasabadda Dhaarinta ah waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Dowladda Federaalka, Koofur Galbeed iyo marti kale oo lagu casuumay sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo Baydhabo ku sugan.

Tani waxa ay qayb ka tahay dedaallada dhismaha maamulka Koofur Galbeed ee Dowladda Federaalka ay xoogga saarayso kaddib markii maamulkii hore uu isaga baxay Magaalada Baydhabo Bishii May sanadkaan 2026.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here