Home WARARKA MAANTA Hay’adaha ammaanka Koofur Galbeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhacay Baydhabo

Hay’adaha ammaanka Koofur Galbeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka ka dhacay Baydhabo

2
0

Sabti  30, May 2026 {CBB}Booliiska Gobolka Baay ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay magaalada Baydhabo, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Federaalka iyo kuwo ka amar-qaata Cabdicasiis Laftagareen.

Taliyaha Booliiska Gobolka Baay, Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawac la gaarsiiyay ciidamadii weerarka qaaday, waxaana uu tilmaamay in ay gacanta ku dhigeen Gaari dagaal.

Waxa uu digniin u diray dhallinyarada kasoo horjeedda isaga oo sheegay in Maamulka Koofur Galbeed uu soo dhaweynayo cid weliba oo doonaysa inay qaadato go’aan dan u ah xasiloonida iyo nabadgalyada deegaanka sida uu hadalka u dhigay.

“Dhallinyarada firxadka ah waxaan leenahay isasoo dhiiba oo Nin Ilmihiisa guryahaha ku heysta yuusan idin dagaal gelin, Khasaara ka wayn ma jiro in Wiil Miskiin ah oo ay soo qaldeen Siyaasiyiin maqan Maydadkooda & dhaawacyadooda ay yaallaan Isbitaalka” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Gobolka Baay, Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa dhanka kale sheegay in mas’uuliyadda khasaaraha ka dhasha dagaallada ay qaadanayaan siyaasiyiinta qaybta ka ah abaabulka colaadaha ka dhanka ah xasiloonida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here