Sabti 30, May 2026 {CBB}Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Taliska Militeriga Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladda Amni ee magaalada Baydhabo oo ay saaka weerar ku soo qaadeen Ciidan taabacsan Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Kulanka oo saacado socday ayaa waxaa guddoomiyay Jeneral Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo tan iyo 15-kii bishan May ku sugan magaaladaasi.
Taliyaha Qeybta 60-aad Gaashanle Dhexe, Isxaaq Berdaale ayaa laga dhageystay warbixinno la xiriira Amniga magaalada Baydhao, caqabadaha taagan iyo tillaaboyinka amni la qaadi doono.
Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan daafaha magaalada Baydhabo ayaa dhankooda la faray in ay adkeeyaan Amniga magaalada oo culeys ku hayaan Ciidan taabacsan Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.
Baydhabo ayaa waxaa dhammaadka bishii March la wareegay Ciidanka Dowladda Federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka, waxaana halkaasi laga saarey nidaamkii laftagareen.
Amniga Baydhabo oo hadda wanaagsan ayaa waxaa ka wada shaqeynaya Laamaha Amniga ee heer Federaal iyo Dowlad goboleed.
Doorashooyin qof iyo cod ah ayaa laga qabtay bishii May, waxaana dhawaan la filayaa in la doorto Hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed.







