Sabti 30, May 2026 {CBB}Hogaamiyaha ku meel Gaarka ah ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka qeybgalay Munaasabada Dhaarinta Xubnaha Cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed oo Munaasabadooda Dhaarinta ka qabsoontay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goob joog ahaa Musharaxiinta utartamaya Xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Odayaal dhaqameedyo, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo marti sharaf kale, iyadoo xubnaha cusub ee Golaha Wakiilada si rasmi ah loogu dhaariyey gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.
Dharinta Xildhibanada kadib ayaa uga horeen warbahinta lahadley Musharaxiinta utartamaya Xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed Sharfi xasan Sheik Aadan iyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)
Dhanac kale Hogaamiyaha ku meel Gaarka ah ee Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa xubnaha la dhaariyey kula dardaarmay inay si daacadnimo, hufnaan iyo masuuliyad leh ugu adeegaan shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka shaqeeyaan xoojinta dowladnimada, amniga, horumarka iyo wadajirka Bulshada.








