Khamiis 4,June 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ay caadi u socdaan howlaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, xilli saacadihii la soo dhaafay rasaas laga maqlay gudaha Caasimadda Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo farriin loo diray dadka doonaya in ay safraan.
“Qofwalba oo Safar u qorsheeysnaa Waa uu bixi karaa waana iman karaa, Duulimaad Gudaha ah iyo mid Caalami ah oo la baajiyay majiro, waana sidii hore” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.
Bayaanka oo sii socda ayaa lagu beeniyay wararka la isla dhexmaraayo baraha bulshada ee la xiriira in ay istaageen Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.







