Khamiis 4,June 2026 {CBB}War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay inuu gaba gabo ku dhow yahay howlgal saacadihii la soo dhaafay ay ka wadeen qaar kamid ah Xaafadaha magaalada Muqdisho.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Laamaha Amniga ay la la dagaalamayaan ‘Maleeshiyaad Hoobiyeyaal ku garaacay qaar kamid ah Xaafadaha Caasimadda.
“Maleeshiyaadkan oo ku sugan goobaha ay deggen yihiin xubno qaswadayaal ah oo isku sheegaya siyaasiyiin, kana soo horjeeda amniga iyo xasilloonida, isla markaana ka dambeeyay abaabulka falalkan, ayaa hoobiyeyaal ku weeraray xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah” ayaa lagu yiri Bayaanka ay soo saareen Taliska Booliiska.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay Hay’adaha Amnigu ku howlan yihiin afjariddeeda”
Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga maqlay rasaas iyo madaafiic ay is dhaafsadeen Hay’addaha Amniga iyo Ciidamo taabacsan Mucaaradka.







