Sabti 31 Oct 2026 {CBB}Qoryooley, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Abdifataax Sayid Axmed Siidii, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed, Sareeye Guuto Cabdi Ibraahim Shaamow Cabdi Dheere, ayaa kulan muhiim ah la qaatay maamulka degmada Qoryooley iyo saraakiisha laamaha amniga degmada.
Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen saraakiil ka tirsan Ciidanka Daraawiishta, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga degmada, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka degmada, iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Mas’uuliyiinta ayaa dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni, caqabadaha jira iyo baahiyaha maamulka degmada, iyagoo sidoo kale ka xog-wareystay howlaha amniga iyo adeegyada bulshada.
Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada, maamulka iyo ciidamada amniga, si loo helo nabad waarta iyo xasillooni ka hirgasha degmada Qoryooley.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga ayaa caddeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay taageeridda hay’adaha amniga iyo la shaqeynta maamullada degmooyinka, si loo xoojiyo amniga loona xaqiijiyo badbaadada shacabka.







