Home WARARKA CAALAMKA Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Moscow kula Kulmay Dhiggiisa Ruushka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Moscow kula Kulmay Dhiggiisa Ruushka.

1
0

Sabti 31 Oct 2026 {CBB}Wasiirka Gaashaandhigga oo Moscow kula Kulmay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka qaybgalay Shir-madaxeedka Saddexaad ee Ruushka iyo Afrika, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka, Vasiliy Osmakov.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo tan caalamka, iyo mowduucyada kale ee mudnaanta u leh labada wasaaradood.

Kulanka waxaa Wasiirka ku weheliyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here