Sabti 31 Oct 2026 {CBB}Muqdisho: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa bayaan uu soo saaray kaga hadlay gabagabada howlgalka KMG ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), isagoo sheegay in inkastoo howlgalkaasi uu soo afjarmayo, haddana Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.
Guterres ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay taageerada Soomaaliya ka sii wadi doonto hay’adaha dalka ka howlgala, sanduuqyada iyo barnaamijyadeeda, iyadoo la kaashanaysa Dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo horumariyo nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.
Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya gaartay iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo wajahaya caqabado kala duwan.
Wuxuu mahadnaq gaar ah u jeediyay dhammaan shaqaalihii ka howlgallay UNTMIS iyo howlgalladii ka horreeyay, isagoo si gaar ah u xusay shaqaalihii Qaramada Midoobay ee naftooda ku waayay gudashada waajibaadkooda nabad ilaalinta Soomaaliya.
Dhanka kale, António Guterres ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay weli wajahdo caqabado siyaasadeed, amni, bani’aadannimo iyo horumarineed, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada ay siiso dalka.
Wuxuu sidoo kale ku boorriyay in la xoojiyo wada-hadallada siyaasadeed ee loo dhan yahay, dib-u-heshiisiinta, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Gabagabada howlgalka UNTMIS macnaheedu ma aha dhammaadka taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse taageeradaasi waxay sii socon doontaa iyadoo loo marayo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay.







