Home WARARKA MAANTA Sawiro;-DEG DEG;- Shamso Maxamed Yarow oo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee...

Sawiro;-DEG DEG;- Shamso Maxamed Yarow oo loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

1
0

Khamis, June 4, 2026 (CBB) –Baydhabo – Xildhibaannada Baarlamaanka 3-aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Shamso Maxamed Yarow iyo Ahlaam Cumar Maxamed. Kaddib codbixin ay sameeyeen mudaneyaasha Baarlamaanka, waxaa xilka ku guuleysatay Shamso Maxamed Yarow oo heshay 72 cod, halka musharraxii la tartamaysay, Ahlaam Cumar Maxamed, ay heshay 21 cod.

Doorashadan ayaa qayb ka ah dhammaystirka hannaanka doorashada guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, iyadoo hadda si rasmi ah loo dhameystiray hoggaanka Baarlamaanka 3-aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wixii warar ah kala soco Codka Bay & Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here