Khamis, June 4, 2026 (CBB) –Baydhabo – Xildhibaannada Baarlamaanka 3-aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si buuxda u dhameystiray doorashada guddoonka Golaha Wakiillada, kaddib saddex doorasho oo xiriir ah oo lagu doortay guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.
Ugu horreyn, mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa u doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Mahad Maxamed Sheekh Xasan, kaddib markii uu helay 70 cod, halka musharraxii la tartamayay Cabdixakiin Xaaji Maxamed Fiqi uu helay 25 cod.
Sidoo kale, Aadan Xasan Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, isagoo helay 82 cod, halka Cabdirisaaq Xuseen Aadan uu helay 12 cod.
Dhanka kale, Shamso Maxamed Yarow ayaa ku guuleysatay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, iyadoo heshay 72 cod, halka musharraxa la tartamaysay Ahlaam Cumar Maxamed ay heshay 21 cod.
Doorashooyinkan ayaa qeyb ka ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur Galbeed, waxaana hadda si rasmi ah loo soo geba-gebeeyay hoggaanka Golaha Wakiillada.
Wixii warar ah kala soco Codka Bay & Bakool.







