Home WARARKA MAANTA Sawiro;-SOMA oo Baydhabo ku qabatay Kulan looga hadlaayay helitaanka xogta bad qabka...

Sawiro;-SOMA oo Baydhabo ku qabatay Kulan looga hadlaayay helitaanka xogta bad qabka wariyaha iyo xuriyada Hadalka

21
0

Axad 29-Sep-2024 {CBB}Tababarkan ay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA maanta ku qabatay Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa waxaa lagu baranayaa Xoriyada Saxaafadda, Badbaadada Suxufiga, Helida Macaluumaadka.

30 Suxufi oo laga kala keenay Warbaahinada kala duwan ee ka Howl gal Magaalada Baydhabo ayaa si Wanaagsan ugu Qeyb qaatay inta uu maanta Socoday Tababarka

Gadoomiyaha Daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Hilaal Sheikh Shuceeb oo ka hadlay furitaanka Tababarka ugu Horeen Sharaxaad ka bixiyey Muhiimada Tababarkan uu leeyahay Asaga oona ayaa suxufiyiintii ugu baaqay in ay ka faaideystay Tababarkan.

Agaasimaha Radio Arlaadi C/raxmaan Yuusuf Xasan oo ka Hadlay ayaa Sheegay in Tababarada Noocaan oo kale ah Marar kala duwan la qabtay islamarkaana ay muhiim tahay in qofka Wariyaha ah Loogu baahanyahay in Mas,uuliyadiisa uu si Wanaagsan u guto.

Aamino Maxamuud Jamac oo ka Socotay Bulshada Rayidka ayaa ka Hadashay Sida Wariyaha Loogu fadhiyo Soo gudbinta Xaqiiqooyinka taqgan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Mudane Cumar Mustafa Nuur oo Qeyb ka ahaa furitaanka Tababarka ayaa kula dardaarmay saxafiyiinta in ay ilaaliyaa sumcada iyo haybadda mihnadda Saxaafada, Tababarkana muhiimad gaar ah siiyaan oo shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here