Home WARARKA MAANTA Sidee BF xilka uga qaadi karaa wasiirada xukuumada?

Sidee BF xilka uga qaadi karaa wasiirada xukuumada?

23
0

Talaado 01-Oct- 2024 {CBB}Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka keenay mooshin dib u eegis loogu sameeynayo xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaliya, Axmed Macalin Fiqi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka oo sida ay noo sheegeen qaarkood gaaraya in ka badan 40 xildhibaan ayaa ku doodaya qodobo ay ku eedeynayaan oo ay ku jiraan “in wasiirka uu shaqadii wasaaradda curyaamiyay”.

Waxaa ka mid ah sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee mooshinkaan gudbiyay waxyaabaha ay ku eedeyeen wasiirka, arrimo la xiriira muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay “in wasiirku uu ka gaabay difaaca madaxbanaanida dalka”.

Qodobada kale ay xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka ku eedeeyeen waxaa ka mid ah “in ay jiraan xildhibaano badan ay walaac ka muujiyeen shirkad Soomaaliyeed iyo mid nin Talyaani ah uu leeyahay oo tartamay in tan Soomaaliga laga reebay in ay ka qeybgasho bandhigga ganacsiga ee lagu qabanayo Japan 2025-ka”.

Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka oo aan la xiriirnay ayaa shaki geliyay qaabka ay wax u socdaan iyagoo sheegay in aysan meesha ka marneyn siyaasad, oo ay dano kala leeyihiin saaxiibadooda mooshinka wada.

Balse Jeesoow ayaa ku adkeysanaya in mooshinkooda uusan siyaasad ku lug lahayn, oo ay ku egyihiin uuna arimaha quseeya dalka.

Wasiir Fiqi oo aan la sameynay xiriir si aan wax uga waydiino mooshinkaan ay wadaan qaar ka mid ah xubanaha Golaha Shacabka ayaysan noo suuragalin inaan helno.

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu hormuud ka ahaa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya. Si adag ayuuna uga hadlay mowqifka dowladda mar wax laga weydiiyay go’aankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here