Talaado, Juun 23, 2026 –{CBB}Waxaa galabta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug gaaray wafdi horudhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo la filayo inuu halkaasi u safro maalinta berri.
Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa la adkeeyay, iyadoo ay sidoo kale halkaasi ku sugan yihiin Ciidamada Ilaalada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya,
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta wada-hadallada doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug ee maalmihii la soo dhaafay u socday Madaxweyne Qoorqoor iyo Agaasimaha NISA, Maxamed Salaad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii maamulkaas looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay u dhan yihiin dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo xaqiijiyo xasillooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad ka hirgasha deegaannada Galmudug.







