Home WARARKA CAALAMKA Soomaalida ku nool Koofur Afrika oo culays ka dareemaya kacdoonka ka dhanka...

Soomaalida ku nool Koofur Afrika oo culays ka dareemaya kacdoonka ka dhanka ah Ajaanibta

2
0

Arbaco 24.June 2026 {CBB}Soomaalida ku ganacsatada Dalka Koofur Afrika ayaa cabsi ka muujisay Kooxaha Ajaanibta neceb ee dalkaas oo caga juglayn joogta ah ku haya, waxaana ay billaabeen inay si feejigan ugu dhex noolaadaan meelaha ay degen yihiin iyo kuwa ay ku ganacsadaan.

Ciidamada ammaanka ayaa billaabay howlgallo ay ku qabqabanayaan Dadka Ajaanibta ah ee aan haysan sharciga inkasta oo lagu soo warramayo in ay jiraan Dad sharci haysta oo la qabtay lagana qaatay lacago sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Beegsiga ka dhanka ah Ajaanibta ma ahan mid ku siman Soomaalida oo keliya balse waa mid baahsan oo guud ahaan Ajaanibtu taabtay, Dalalka qaar ayaa billaabay in ay dadkooda kala baxaan Dalka Koofur Afrika si aanay dhibaato loogu gaysan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ammaanka aanay awoodin inay awood u adeegsadaan Dadka kacdoonka ajaanib nacaynta ah wada maadaama siyaasiyiintu ay kacabsi qabaan in mustaqbalka codka dadkaas ay waayaan.

Xisbiyada Koofur Afrika oo ku kala jajabay Doorashada dhacaysa Bisha soo socota ee November 2026 ayaa xubnaha mucaaradka waxa ay ka dhex heleen fursad ay u arkaan in la iska hor keeni karo Shacabka iyo Dadka Ajaanibta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here