Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo la dajiyay duleedka degmada Baraawe

Sawiro;-Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo la dajiyay duleedka degmada Baraawe

3
0

Khamiis  5 Nov 2026 {CBB}Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan guutada Gorgor dajisay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, si ay u adkeeyaan Amniga Dalka.

Ciidamadan oo ah Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad ayaa waxaa kormeeray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Taliyaha ayaa ciidamada faray gudashada waajibaadka Qaranka gaar ahaan in ay ilaaliyaan Amniga degmada Baraawe oo kamid ah goobaha ay ka baxayaan Askarta Uganda.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa Ciidamada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah AS, kaasi oo looga saarayo goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here