Khamiis 5 Nov 2026 {CBB}Dhuusamareeb: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Dhuusamareeb uga qaybgalaya munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug iyo madaxda kale ee la doortay, taas oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha dalka iyo dalalka gobolka.
Munaasabaddan ayaa qeyb ka ah munaasabadaha lagu xoojinayo hannaanka hoggaamineed iyo maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug.








