Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

2
0

Khamiis  5 Nov 2026 {CBB}Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Sida qorshaha yahay Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka Hoggaamiyaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Munaasabada ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga dalka.

Socdaalkiisa Dhuusamareeb ayaa ku soo aadaya xilli weli uu taagan yahay muranka la xiriira doorashooyinka, iyadoo dhawaan Guddiga Doorashooyinka ay shaaciyeen in April 2027 la qaban doono Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here