Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, magacaabayna guddoomiye...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, magacaabayna guddoomiye cusub

2
0

Khamiis  5 Nov 2026 {CBB}Muqdisho, 05 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.

Go’aankan ayaa yimid kaddib cabashooyin la xiriira hannaanka garsoorka oo ay muujiyeen garsoorayaal, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga, kuwaas oo ku baaqay in la helo garsoor hufan, madax-bannaan oo caddaalad ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo hay’adaha garsoorka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo helitaanka caddaalad loo siman yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Guddoomiyaha cusub, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan, u rajeeyey inuu si hufan u guto waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo adkeeyey muhiimadda ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah isbeddellada lagu sameynayo hoggaanka hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo la sugayo tallaabooyinka xiga ee la xiriira dib-u-habeynta nidaamka garsoorka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here