Arbaco 4 Nov 2026 {CBB}Dhuusamareeb: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedlka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan salaan iyo is-xogwareysi ah kula yeeshay madaxweynihii hore ee Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).
Labada masuul ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga siyaasadeed ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey kaalintii hoggaamineed ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) uu ka soo qaatay horumarinta iyo hoggaaminta Dowladda Galmudug, isaga oo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo xoojinta xiriirka wanaagsan iyo wada-shaqeynta madaxda dowlad-goboleedyada.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay is-xogwareysiga, is-qaddarinta iyo iskaashiga siyaasadeed ee madaxda Soomaaliyeed, si loo adkeeyo midnimada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.








