Isniin 29,June 2026 {CBB}Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jimcaale Jaamac Samatar (Takar), la filayo inuu maanta gaaro magaalada Garoowe, kaddib markii la sheegay inuu shalay tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Sida ay tilmaamayaan ilo xog-ogaal ah, Taliye Jimcaale ayaa la filayaa inuu u gudbo Garoowe si uu ula wareego hoggaanka cutubyo ciidan oo Dowladda Federaalka ay sheegtay inay si toos ah uga amar qaataan, kuwaas oo ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Nugaal.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyay in ciidamo la geeyo duleedka Garoowe, si loogu hortago dhaq dhaqaaqa taliye Jimcaale.
Toddobaadkii hore ayaa magaalada Laascaanood la geeyay agabyo ciidan, kuwaas oo ilo kala duwan ay sheegeen in qayb ka mid ah loogu talagalay ciidamada ku sugan deegaannada ku dhow Garoowe.
Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa ku loolamaya deegaanada maamulkaasi, iyadoo labada ciidan ay halkaasi dhaq dhaqaaqyo ka wada Gobolka Nugaal.







