Home WARARKA MAANTA Sawiro;-RW Xamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile

Sawiro;-RW Xamsa Cabdi Barre oo xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile

1
0

Isniin 29,June 2026 {CBB}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa saakay xarrig jaray Laamiga Degmada Dayniile oo dhismo ballaaran lagu sameeyay, waxaa wehliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada Dayniile iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaas ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Wasiirrad katrisan Xukuumaddiisa iyo Duqa Muqdisho ee Dayniile u tagay Xarrig jarka waddada Laamiga ah ee muddo howshiisu socotay.

Waddadaan waxa ay muhiim u tahay isu socodka Isgoyska Kulliyaddii Jaalle Siyaad ilaa Xarunta Degmada Dayniile, waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya Ilayska Cadceedda iyada oo  Dadka Degmadaas la faray in ay ka shaqeeyaan nadaafadda Waddadaas iyo wax weliba oo dhibaato ku ah bilicda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here