jimco 10 July 2026 {CBB}Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno si guul leh u dhammaystay waxbarashadooda ciidan ee Dugsiga Tababarka TURKSOM.
Munaasabadda qalin-jabinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa daawaday dhoolatus ciidan oo ay soo bandhigeen saraakiisha iyo saraakiil-xigeennada qalin-jabisay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey saraakiisha qalin-jabisay dadaalka, adkaysiga iyo hufnaanta ay muujiyeen muddadii uu tababarkoodu socday, isagoo xusay inay yihiin hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagana sugayo inay aqoontooda iyo xirfaddooda ugu adeegaan qaranka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii wadayso dadaallada lagu dib u dhisayo, lagu casriyeynayo laguna tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood iyo xirfad ay ku xaqiijiyaan amniga dalka, difaaca qarannimada iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo tayeynta ciidamada, taas oo door muhiim ah ka qaadatay dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh kana jawaabi kara waajibaadka horyaalla dalka.
Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay hambalyo iyo dardaaran loo jeediyey saraakiisha qalin-jabisay, si ay uga faa’iideystaan aqoonta iyo tababarka ay heleen uguna adeegaan dalkooda iyo dadkooda.









