Home WARARKA MAANTA Magacaabis Ka Hor Imaanaysa Dastuurka: Su’aalo Ka Taagan Tallaabada Aadan Madoobe

Magacaabis Ka Hor Imaanaysa Dastuurka: Su’aalo Ka Taagan Tallaabada Aadan Madoobe

1
0

Sabti  July 11, 2026 (CBB) –Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa jabiyay dastuurka Dalka oo dhammaystirkiisa uu door weyn ku lahaa kaddib markii si baalmarsan uu u magacaabay Wasiirradiisa.

Aadan Madoobe ayaa magacaabistiisa Golaha Wasiirrada waxa uu xilalka ugu badan siiyay Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Maamulka, waxa ay tallaabadaan si cad uga hor imaanaysaa qodobka 191aad, farqadda 2aad oo waafaqsan qodobka 81aad, faqradda 1aad ee Xarafka (F).

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Abuukaate Burhaan Aadan Cumar ayaa 20kii April 2026 soo saaray tixraacaya waajibaadka dastuuriga ah ee Guddiga ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (2026) oo kala reebaya in mas’uulka labo xil isku qabto.

Sida ku xusan Dastuurka Dalka ee dhammaystirka lagu sameeyay, qofka isaga oo xil haya ee loo magacaabo xil cusub waxa uu ka tanaasulayaa mid kamid ah labadaas Xil maadaama uusan isku hayn Karin sida uu sheegay Abuukaate Burhaan Aadan Cumar.

Haddaba, Aadan Madoobe dib ma ugu soo laaban doonnaa xeendaabka dastuurka uu ansixintiisa qaybta ka ahaa mise wuu iska indhatiri doonnaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here