Axad 12 July 2026 {CBB}Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa iska casilay xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Waqooyi Galbeed, xilkaan waxa uu hayay muddo 22 sano ah ayuu saxiixay warqadda shaqo ka tagista sida uu ku sheegay muuqaal laga duubay oo la baahiyay.
Ujeedka uu xilka uga tagay waxa uu ku sheegay in uu da’ noqday isla markaana awooddiisa ay soo koobmatay sida uu yiri Saleebaan Maxamuud Aadan oo si rasmi ah uga tagay Xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Waqooyi Galbeed.
Waxa uu codsaday in la fasaxo lagana aqbalo xil ka tagistaas, waxa uu sheegay in muddo uu hoggaanka u hayay golaha Guurtida oo kamid ah goleyaasha Maamulka Waqooyi Galbeed, dhowaan Golahaas ayaa horay ugu guuldarraystay in uu qabto doorasho waxaana uu qaatay muddo kororsi.
“Qof Da’ ah ayaan noqday oo Haddii Maskaxdu joogto muruqii ayaa maqan oo tallaabadii waan gabay, Waxa aan is leeyahay in aysan xusuustu tagay ka gaarsii, Iscasilaadiinna waan saxiixayaa” Sidaasi waxaa yiri Saleebaan Maxamuud Aadan oo iska casilay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Waqooyi Galbeed.
Waxaa billowday loolan u dhaxeeya Xisbiyada iyo Beelaha uu u furan yahay kursigaas, Magaalada Hargaysa waxaa laga dareemayaa loolankaas iyada oo la sugayo cidda buuxin karta booska uu ka tagay Saleebaan Maxamuud Aadan.







