Home WARARKA MAANTA Danjiraha Soomaaliya ee Maraykanka oo kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

Danjiraha Soomaaliya ee Maraykanka oo kulamo la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota

14
0

Sabtt 26-Oct- 2024 {CBB}Safiirka Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Danjire Daahir Xasan Carab oo gaaray Gobolka Minnesota gaar ahaan Magaalada Minneapolis waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno katirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaas.

Daahir Carab ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn kaddib waxa uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Maraykanka oo dhalashada labaad ay ka heystaan kala hadlay sidii marka hore isku xirnaantooda u xoojin lahaayeen una garab istaagi lahaayeen Dowladda Federaalka.

Danjire Daahir Xasan waxa uu madasha ka sheegay in Safaaradda uu safiirka ka yahay ay u dhow uga warqabi doonto xaaladdooda, waxa uu Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka ku nool ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Dalka Maraykanka Daahir Xasan Carab ayaa ku howlan kulamo isugu jira Isbarasho iyo dardargelinta howlaha shaqo ee Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalkaas si loo kordhiyo iskaashiga Bulshada iyo dhankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here