Home WARARKA MAANTA Xukuumadda Cirro oo billowday in ay beegsato Dad diidan sida uu wax...

Xukuumadda Cirro oo billowday in ay beegsato Dad diidan sida uu wax u wado

2
0

Arbaco 15 July 2026 {CBB}Magaalada Hargaysa waxaa ka socda howlgallo qarsoon oo ay wadaan ciidamo katirsan kuwa Maamulka Waqooyi Galbeed si ay u beegsadaan shaqsiyaadka diidan siyaasadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro oo isugu jira Suxufiyiin, Dhallinyarada isticmaasha Baraha Bulshada, Culimada iyo Siyaasiyiinta.

Ujeedka in la aamusiyo si aanay dareenka Dadka loo kicin iyada oo ay jiraan Shaqsiyaad loogu hanjabay in xabsi la gelin doonno haddii ay wax ka sheegaan hab maamulka Xukuumadda Cirro maadaama ay is qabteen Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo KAAH halkaasina ay noqotay fursad dadka qaar ku hadli karaan.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in qaar kamid ah Dhallinyarada isticmaasha Baraha Bulshada la gaarsiiyay digniin la xiriirta in ay xabsi geli doonnaan waa haddii ay sii wadaan fariimaha ay Xukuumaddu Cabdiraxmaan Cirro dhibsatay una aragto mid si toos ah dadka u kicin karta sida hadalka loo dhigay.

Maalmo kahor waxaa xabsiga la dhigay Fannaan Khaalid Kaamil, waxaa caga-juglayn culus loo jeediyay culimo si wayn uga hor timid in lasoo dhaweysto Israa’iil, halka sidoo kale culays la saaray dhallinyarada isticmaasha Baraha Bulshada si loo hor istaago fariimaha ka dhanka ah Maamulka Cirro oo ay gudbinayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here