Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan La Qaatay Golihii Xukuumaddii Hore

Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan La Qaatay Golihii Xukuumaddii Hore

2
0

Arbaco 15 July 2026 {CBB}Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah la qaatay golihii xukuumaddii hore ee Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray is-xogwareysi iyo is-dhaafsiga waayo-aragnimada maamulka.

Kulanka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay sidii loo sii xoojin lahaa wadajirka, wada-shaqeynta iyo horumarinta hay’adaha Dowladda  Gobaleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey xubnihii golaha xukuumaddii hore doorkii ay ka soo qaateen dhismaha iyo horumarinta maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu xusay in dowladda ay ka faa’iideysan doonto khibradaha iyo talooyinka masuuliyiinta hore si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo horumarka guud ee dowladnimada.

Dhankooda, xubnihii golaha xukuumaddii hore ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub, iyagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay siinayaan ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta, midnimada bulshada iyo horumarinta deegaannada maamulka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta hoggaanka cusub iyo masuuliyiintii hore, si loo gaaro horumar waara oo ka hanaqaada guud ahaan deegaanada Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here