Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Cusub

Sawiro;-Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Cusub

1
0

Arbaco 15 July 2026 {CBB}Baydhabo, 15 Luulyo 2026 – Hoggaamiyaha Dowladda  Gobaleed Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Wasiirrada cusub ee uu dhowaan magacaabay, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla Xukuumadda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wasiirrada, dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta maamul-wanaagga, iyo isku waafajinta qorsheyaasha Wasaaradaha si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo ka jawaaba baahiyaha shacabka.

Hoggaamiyaha ayaa Wasiirrada kula dardaarmay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda, iyagoo mudnaanta siinaya adeegga bulshada, isla-xisaabtanka iyo fulinta barnaamijyada horumarineed.

Dhankooda, Wasiirrada magacaaban ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyey, waxayna ballanqaadeen inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan horumarinta hay’adaha Dowladda, kor u qaadidda adeegyada bulshada iyo xaqiijinta himilooyinka Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo waxqabadka Xukuumadda cusub, si loo gaaro horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here