Home WARARKA MAANTA Xafiiska Hantidhowrka oo soo bandhigay Baaris sanadeedka uu sameeyay

Xafiiska Hantidhowrka oo soo bandhigay Baaris sanadeedka uu sameeyay

2
0

Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ayaa maanta soo bandhigay Baaris sannadeedka uu sameeyay iyo natiijada kasoo baxday isaga oo baaray 22 hay’adood isla markaana lagu ogaaday miisaaniyadda hay’adahaas la baaray, tan Dowladda iyo Khaladaadka dhacay.

Dhanka Mashaariicda ay maalgeliyeen deeq-bixiyaasha ayaa Warbixintaan lagu sheegay in ay tahay 30 mashruuc, 22 kamid ah waa Bangiga Adduunka, 7 kale waxaa maalgeliyay Bangiga Horumarinta Afrika halka mashruuca soo haray uu yahay sanduuqa horumarinta Beeraha.

Xafiiska Hantidhowrka ayaa sheegay in miisaaniyadda Hay’adaha la baaray ay u dhiganto 60.1% iyada oo lacagtaas ay tahay $821,996,254 halka wadarta miisaaniyadda Dowladdu tahay $1,359,714,328 waxaana khaladaadka la ogaaday uu yahay 66.

59% Hay’adaha maray Baarista uu sameeyay Hantidhowrka Qaranka waxa uu sheegay in aysan raacin habraacyada guddiyada qandaraasyada iyo qorshaha iibka.

53% Hay’adaha maray Baarista Xafiiska Hantidhowrka waxaa la shaaciyay in uusan marin habraacyada xulashada adeeg-bixiyeyaasha iyo la-taliyeyaasha. Halka 46% Hay’adaha maray Baaristaan aanay dhisin guddiyada dallacsiinta, abaalmarinta iyo anshaxa.

Gunaaanadka waxa uu Xafiiska Hantidhworka Qaranka uu xusay in 50% Hay’adaha maray baaristooda sannadlaha ah aanay howlgelin baaraha gudaha ah sida lagu sheegay warbixintaan uu maanta soo bandhigay hantidhowrku.

Xafiiska Hantidhowrka  Qaranka ayaa sheegay in uu talooyin ku saabsan khataraha & sida looga hortagi karo uu siiyay Maamulka Hay’adaha ku shaqada leh baaristaan sida lagu xusay Warbixin sannadeedka uu soosaaray.

Baarista Xafiiska Hantidhowrka Qaranka Soomaaliya ayaa Warbixintiisa diiradda ku saaray:

1-Warbixinta sannadlaha ee Baarista u hoggaansanaanta sharciga

Africans & Diaspora

2-Warbixinta dabagalka nidaamka Diiwaangelinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRS)

3-Warbixinta Baarista nidaamka Macluumaadka Maaraynta Waxbarashada Sare (HEMIS)

4-Warbixinta Baarista Nidaamka Macluumaadka Khayraatka Aadanaha  (NCSC HRIS)

5-Warbixinta isku-dhafka ah ee dabagalka fulinta talooyinka Hantidhowrka sannadka 2025

6-Warbixinta Dabagalka nidaamka Maamulka Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS)

Hantidhowraha guud ee Qaranka, Avv Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sannadkii 2025 ay deeq ahaan u heshay 6,555,000 shinadood oo agab caafimaad ah iyo 9 gaadiid kaddib baaris uu sameeyay Xafiiska

Sidoo kale Guutaale waxa uu xusay in 2024 Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshay deeq gaareysa 3,125,402 shixnadood oo ah agab Caafimaad, 55,324.65 tan oo ah raashin, 1,207 teendho iyo 105 gaadiid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here