Arbaco 13, Nov 2024 {CBB}Deegaannada Maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya) waxaa saakay looga dareeray codbixinta Dadweynaha si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee hoggaamin doonna 5ta sano soo socota.
Dadka ayaa safaf dhaadheer u galay goobaha codbixinta si marka hore looga hubiyo kaararka ay wataan, marka ay maraan hubintaas kaddib ayay u gudbayaan teendhooyinka la dhigay Warqadaha iyo Sanaadiiqda Codadka la gelinayo.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa soosaaray go’aan lagu joojiyay isu socodka Gaadiidka muddada ay socoto Doorashada, waxaana sidoo kale Dadka la faray in ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyaga oo xushmeynaya xubnaha Doorashadaan ku howlan.
Xisbiyada tartamaya ayaa kusii kala faanaya in mid weliba dhankiisa uu heysto taageerrada ugu badan ee codbixiyaasha maadaama mid weliba uu qaatay maalmo loogu talagalay in uu kusoo bandhigo ololaha musharraxnimada.