Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Kulan La Qaatay Beesha Caalamka

Sawiro;-Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Kulan La Qaatay Beesha Caalamka

1
0

Isniin 10 Aug 2026 {CBB}Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan guddiga oo ay ka mid yihiin Komishanar Cabdi Cadow, Komishanar Maxamed Amiin Xasan iyo Xoghayaha Guud Xuseen Nuunow Cali, ayaa kulan xog-wadaag ah la yeeshay wakiillo ka socday beesha caalamka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socday dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Guddoomiyaha guddiga, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa khudbad uu ka jeediyay kulanka ku soo bandhigay horumarka ay sameeyeen guddiga, isaga oo si gaar ah u xusay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee ka dhacay dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in doorashooyin la mid ah ay qorsheysan yihiin inay ka dhacaan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyuhu wuxuu xusay in geeddi-socodka doorashada qof iyo cod uu si wanaagsan uga hirgalay dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay heleen fursad taariikhi ah oo ay ku doortaan wakiilladooda, taas oo aan la arag muddo ka badan 57 sano.

Dhankooda, safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay nidaamka doorashooyinka, iyagoo muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan dadaallada lagu xoojinayo dimuqraadiyadda Soomaaliya. Waxay sidoo kale ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan guddiga si loo xaqiijiyo doorashooyin hufan, loo dhan yahay, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo beesha caalamka, si loo dhiso hannaan doorasho oo waara oo ku dhisan rabitaanka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here