Talaado 11 Aog 2026 {CBB}Taliyaha NISA ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Maxamed Nuur (Cabdirashiid Janan) ayaa heshiis la galay maamulka Jubbaland oo muddo ay isku hayeen gacan ku haynta Degmooyin katirsan Gobolkaaas kaddib wadahadallo muddo labada dhinac u socday.
Ergo labada dhinac kala matalaysa waa Maamulka Jubbaland iyo Cabdirashiid Janan ayaa ka heshiiyay sidii loosoo afjari lahaa xiisadda & kala qaybsannaanta ka dhex jirtay, qorshaha ciidankii Janan loo xarayn lahaa iyo tallaabooyinka xiga heshiiskaas hordhaca ah.
Saraakiil katirsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Mustaqbal u sheegay in Cabdirashiid Janan iyo madaxda Maamulkaas ay wada kulmi doonnaan iyada oo aanay la shaacin waqtiga iyo goobta sida gaarka ah uu kulankaas uga dhacayo.
Janan ayaa horay uga tagay Maamulka Jubbaland isaga oo ku biiray Dowladda Federaalka, Gobolka Gedo waxa uu ka waday dhaqdhaqaaq ka dhan ah Maamulkaas iyada oo ugu dambayn wadahadal lagu soo afjaray xiisadda labada dhinac.
Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ay uga hadlayso ka tagista Cabdirashiid Janan, waxaana lagu wadaa in uu Warbaahinta la hadlo una faahfaahiyo heshiiskaas uu ugu wareegay Maamulkii uu muddo dagaalka afka iyo gacanta kula jiray ee Jubbaland.







