Talaado 11 Aog 2026 {CBB}Muqdisho, 11 Agoosto 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Gobaledka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Koonfur Galbeed, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Turkigu ka qaato taageerada Soomaaliya, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo dib-u-dhiska dalka.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa Danjiraha la wadaagay xaaladda guud ee ka jirta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed iyo dadaallada ay Dowladdu ugu jirto horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado horumarineed oo waara.
Hoggaamiyaha Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa caddeeyey in Dowladdu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leedahay Dowladda Turkiga, iyadoo mudnaanta la siinayo mashaariicda iyo dadaallada si toos ah uga qeyb qaadanaya horumarka iyo xasilloonida bulshada Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada shaqo ee Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo looga gol leeyahay xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Beeraha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.








