Khamiiis 13 Aog 2026 {CBB} Baydhabo, 13 Agoosto 2026: Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabtay shirka toddobaadlaha ah ee amniga Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo uu shir-guddoomiyay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Isaag Maxamed Isaag (Korsaar).
Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Hussein Mohamed Hagi Hassan (El Hagi), iyo saraakiisha laamaha amniga Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa si weyn looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga, kordhinta feejignaanta ciidamada iyo qorshayaasha lagu adkeynayo nabadda iyo xasilloonida.
Sidoo kale, shirka waxaa lagu falanqeeyay nidaaminta dakhliga dowladda, habraacyada canshuuraha iyo kastamka, iyo sidii loo nidaamin lahaa soo gelinta iyo ganacsiga qaadka ee magaalada Baydhabo.
Kadib dood iyo falanqayn dheer, shirka waxaa laga soo saaray go’aanno iyo awaamiir lagu xoojinayo amniga, nidaamka dakhliga dowladda, iyo ilaalinta habraacyada canshuuraha iyo kastamka.
Go’aannada iyo awaamiirta kasoo baxay shirka ayaa dhaqan-galaya laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Agoosto 2026.








