Jumca 14 Aug 2025 {CBB} Warar laga helayo Paris iyo London ayaa ku warramaya in uu jiro khilaaf salkiisu yahay xakamaynta Tahriibayaasha uu kasoo dhex cusboonaaday Dalalka Faransiiska & Ingiriiska kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay labadaas dal isaga kala gudbeen Tahriibayaal kasoo jeeda Bariga iyo Afrika.Time & Calendars
Ingiriiska ayaa ciidanka Faransiiska ku dhaliilay in uu ka gaabiyay mas’uuliyadda ka warqabka dhaqdhaqaaqa safarka dhinaca xuduudda biyaha ah ee labada dal ay wadaagaan, taasina ay kordhisay tahriibayaasha in ay joogteeyaan socodkooda London.
Faransiiska ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedaha uga yimid Ingiriiska, waxa uu ku dooday in keliya aanay Paris xakamayn karin Dadkaas oo Dalal kale isla qaaradda Yurub ah kasoo galaan, sidaas awgeed waxa uu codsaday in si wadajir ah arrintaan looga hortago.
Muuqaallo ku faafay Baraha Bulshada waxaa laga dhex arkayay ciidan katirsan kuwa ilaalada Faransiiska ee dhinaca Xadka Ingiriiska oo Jaakadaha dabaasha siinaya Tahriibayaal dalkaas ka tagay una jihaysay dhinaca UK.







