Home WARARKA MAANTA Qaaradda Yurub oo bilihii lasoo dhaafay wajahaysay Mowjado kul darran ah oo...

Qaaradda Yurub oo bilihii lasoo dhaafay wajahaysay Mowjado kul darran ah oo ay ku dhinteen kummaanan ruux

1
0

 Jumca 14 Aug 2025 {CBB}Qaaradda Yurub oo bilihii lasoo dhaafay wajahaysay Mowjado kul darran ah oo ay ku dhinteen kummaanan ruux ayaa markale wajahaysa kulkaas maadaama maalmo kaddib la guda-galayo isbaddelka cimillada dhexdhexaadka ah sida ay ku warrameen khubarrada Cimillada.Astronomy

Ingiriiska dhinaca Koofureed ee Dalkaas ayaa maanta oo Jimco ah ilaa Axadda wajahaya kul darran oo ka badan 35°C waxaana dadka loogu baaqay in ay tagaan goobaha qabowga laga heli karo iyada oo heegan la geliyay booyadaha Dab-damiska ah si ay dadka u qaboojiyaan.

Hay’adda Saadaasha Hawada UK (Met Office) ayaa ku warrantay in Magaalada London iyo deegaannada u dhow ay wajihi doonnaan kul sarreeya kahor inta aan la gelin isbaddelka Cimillada diirimaadka ah ee waxyeelladiisu yar tahay.

Diiwaanka guud ahaan Qaaradda Yurub ee Dadka kulka u dhintay bilihii lasoo dhaafay waaa in ka badan 25,000 oo qof, Jarmalka ayaa ugu badan marka la eego Dalka Dadka badan ku dhinteen waana 11,900 oo ruux sida warbixinnada la diiwaangeliyay lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here