Home WARARKA MAANTA Maamulka Puntland ma awoodaa in uu awood ciidan uga hortago Safarka MW...

Maamulka Puntland ma awoodaa in uu awood ciidan uga hortago Safarka MW Xasan Sheekh ee Gaalkacyo?

2
0

 Jumca 14 Aug 2025 {CBB}War kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in uu ka walaacsan yahay safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.Geographic Reference

Puntland ayaa intaas ku dartay in ay awood Ciidan uga hortagi doonto socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Gaalkacyo, waxaana ay billowday dhaqdhaqaaq ciidan oo arrintaas la xiriira sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Warka kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland waxa ay ku sheegtay in safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo maamul ahaan hoostagta Galmudug.

Maamulka Siciid Deni ayaa si cad u shaaciyay in heegan la geliyay Ciidamada Difaaca Maamulka iyo Shacabka si ay ugu diyaargaroobaan duullaankaas uu ku tilmaamay in uu yahay mid looga hortagayo safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Gaalkacyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu safar dhulka ah uu isaga kala gudbayo Deegaannada Dowlad-Goboleedka Galmudug, inta uu ku sugan deegaannadaas waxa uu booqanayaa xeryo ciidan iyo goobo maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here