Axad 16 Aug 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar usoo xiro ciidamo katirsan Xoogga Dalka oo lagu tababaray Dugsi ciidan oo ku yaalla Deegaanka Xanan buure ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay la socdaan Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha ciidamada Dhulka, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Xerada Xanan buure.
Ciidamadaan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo kuwa Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ku jira iyo askarta kale ee loo carbiyay la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya Mustaqbalka dhow sida hadalka loo dhigay.







