Home WARARKA CAALAMKA Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka & Canada oo meel adag gaaray

Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka & Canada oo meel adag gaaray

1
0

Axad 23 2026 {CBB}Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington & Ottawa ay isku fahmi waayeen hab maamulka maaliyadeed ee canshuuraha badeecadaha sida ay ku warrameen ilo ku dhow dedaalladaas dhexdhexaadinta ah ee fashilmay.

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carny ayaa sheegay in jawaabtooda ay bannaanka imaan doonto 8 September 2026 isla markaana ay noqon doonto mid uu Maraykanka ka shallaayi doonno sababta uu ku keenay in uu canshuur badan dulsaaro badeecadaha Dalkiisa.

Waxa uu adeegsaday ereyga (War) oo ah Dagaal waxaana loo fasirtay in Xukuumaddiisa ay Maraykanka la geli doonto Dagaal Ganacsi iyada oo Washington siin doonto jawaab ku qasbi doonta in aysan mar dambe dhankooda kusoo degdegin sida hadalka loo dhigay.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa 21kii bishaan Canada kusoo rogay Canshuur ah 50% taasi oo ka dhigan in Washington ay dhibaato dhaqaale ay madaxa u gelin doonto dhiggeeda Ottawa waa haddii aysan is furdaamin oo aanay adeegsan farsamooyin cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here