Axad 30 Aug 2026 {CBB}Dowladda Maraykanka ayaa Jamhuuriyadda Afrika Dhexe usoo masaafurisay tobanneeyo qof oo u dhashay Dalka Afgaanistaan kuwaas oo la shaqeeyay ciidamadiisa kahor inta aysan isaga bixin waddankaas sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Washington.
Maraykanka ayaa muddo raadinayay dalkii ka qaabi lahaa Dadkaas u dhashay Afgaanistaan ee la baxsaday Ciidamada Dalkaas ee sida lama filaanka ah uga baxay waddankaas oo muddo 20 sano ah uu dagaal u joogay si ay naftooda kala baxsadaan Maamulka Taliban.
Garsoore Maraykan ah ayaa horay u ogolaaday in dadkaas u dhashay Afgaanistaan la geeyo meelo ay ka warqabo karto Dowladdiisa maadaama ay bartilmaameed u yihiin Taliban oo maamulka guud ee Dalkaas la wareegay.
Wargayska The New York Times ayaa sheegay in qorshahaan uu Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu ku masaafurinayo Dadka u dhashay Afgaanistaan ee horay usoo raacay Ciidamada Ameerikaanka uu yahay mid niyad ku noqon kara dadkaas.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in muddo saddex jeer duullimaad dad lagu qaaday oo ka tagay Marayakanka uu gaaray Jamhuuriyadda Afrika dhexe, waxaana ay intaas ku dareen in dadkaas ay wehliyaan Ajaanib kale.
Maraykanka ayaa la sheegay in dad ka yar Nus milyan Ruux oo u badan Mas’uuliyiin Dowladeed, Shaqsiyaad la shaqeeyay, Saraakiil Ciidan iyo Dad kale oo bartilmaameed u ah Taliban in uu kasoo daadgureeyay Dalkaas 2021







