Axad 30 Aug 2026 {CBB}Gunta hoose ee Badda gaar ahaan Ceelka Shidaalka Soomaaliya laga soosaarayo waxaa laga soosaaray dhagaxaan sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Injineer Cabdulqaadir Aadan oo xogtaan faahfaahiyay.
Injineer Cabdulqaadir ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda kusii biirtay Dalalka Shidaalka qotay inkasta oo aan bannaanka loosoo saarin balse howshaas ay tahay mid gabogabo ah sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka.
Dhagaxaantaan waxa ay ka dhigan tahay in la gaaray meelaha bartilmaameedka ah ee gunta hoose ee ceelka Shidaalka ee loogu magac daray Curad 1 waxaana xiga qorshihii bannaanka lagu keeni lahaa shidaalkaas sida uu yiri Injineer Cabdulqaadir Aadan.
Turkiga ayaa horay u Sahmiyay ceelka shidaalka laga qodayo ee Soomaaliya, waxaa xigay in uu dalka usoo diray Maraakiibtiisa soosaarta Shidaalkaas iyada oo laga sugayo natiijada ugu dambaysa ee la xiriirta inta uu gaarsiisan yahay.







