Home WARARKA MAANTA Puntland oo war ka soo saartay siidaynta markabka MV LUTUF

Puntland oo war ka soo saartay siidaynta markabka MV LUTUF

2
0

Axad 30 Aug 2026 {CBB}Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u sheegtay in Markabka MV LUTUF iyo shaqaalihii la socday, oo burcad-badeeddu ku qabsadeen xeebaha Puntland 17-kii Agoosto 2026, lagu sii daayay kadib markii la bixiyay lacag madax-furasho ah, iyadoo meesha ka saartay wararka sheegayay in markabka lagu soo furtay howlgal milatari.

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in xogta ay heshay ay muujinayso in mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga ay bixiyeen lacagtii madax-furashada, iyadoo si adag u cambaarayeay tallaabadaas, xustayna in bixinta madax-furashadu ay dhiirrigelin karto burcad-badeedda iyo afduubka maraakiibta.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in dhacdadii lagu tilmaamay duqeyn ka dhacday xeebaha Garmaal iyo Jiifle 18-kii iyo 20-kii Agoosto aysan ahayn howlgal lagu soo furtay MV LUTUF. Sida ay Wasaaraddu sheegtay, weerarradaasi waxay sababeen dhimashada dhowr qof oo burcad-badeed ah, balse markabka iyo shaqaalihiisa waxaa la sii daayay kadib madax-furasho, iyadoo ay burcaddu markii dambe isaga tageen markabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka badda Turkiga oo iskaashi la sameeyay ciidanka xoogga dalka ay soo furteen markabka MV Lutuf oo koox burcad-badeed ah ku haysatay deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here