Home WARARKA MAANTA Dowladda & Mucaaradka oo ku heshiiyay dhisidda guddi farsamo oo soo qaabeeya...

Dowladda & Mucaaradka oo ku heshiiyay dhisidda guddi farsamo oo soo qaabeeya wadahadalka doorashada dalka!

1
0

Tuesday, September 1, 2026 {CBB}Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka oo wada jira ayaa Beesha Caalamka la wadaagay nuqul ka mid ah soo jeedin iyo is-afgarad ay ka gaareen guddi farsamo oo soo diyaarin doona hannaan doorasho oo heshiis ay ku wada yihiin labada dhinac, ka hor inta ayna hogaamiyayaashu kulmin.

Is-afgaradka ay wada gaareen dowladda iyo mucaaradka ayaa ku saabsan sidii ay wada jir ugu shaqeyn lahaayeen hannaan doorasho oo salka ku haya hannaanada doorasha ay soo kala jeediyeen; Dowladda, Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol, iyo Golaha Midnimada Qaran.

Guddigaan farsamo ayaa diyaarin doona hannaan doorasho oo salka ku haya mabaadiida doorasho oo ah mid qof iyo cod ah, ku salaysan xisbiyo, leh hal guddi qaran oo doorasho, waxaan la rajeynayaa in ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho marka ay beesha Caalamka soo ogalaato.

Mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Mustaqbal Media u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay sidii dalka looga hirgalin lahaa doorasho heshiis lagu yahay taas oo aan ka hor imaaneynin midnimada iyo mabaadiida guud ee dalka.

Sida uu sheegay masuulkaan oo codsaday in aan magaciisa iyo jagadiis la xigan ayaa xusay in dowladda diyaar ay u tahay in laga heshiiyo doorashada, aysan ka tanaasuleynin mabaadiida doorashada oo kala ah; doorasho qof iyo cod, doorasho Xisbiyo leh, hal guddi Qaran, ku saleysan nidaamka 4.5, waxa uu carabka ku dhuftay in ay diyaar u yihiin in laga heshiiyo wixii farsamo ah, sida muddada, iyo tirada guddiga.

Mus’uulkaan ayaa Mustaqbal Media u xaqiijiyay suurtagalnimada in isbadal lagu sameeyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka, isaga oo xusay in ay jiraan doodo ay qabaan mucaaradka oo ah kalsoonida lagu qabo guddiga doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa bilihii u dambeeyay waday dadaallo la’isugu keenaya mucaaradka iyo dowladda si ay isugu afgartaan nuuca doorasho ee la filan karo in ay dalka ka qabsoomtay, Safaaradda Turkiga ayaa dadaal xooggan galisay sidii ay isugu imaan lahaayeen dhinacyadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay kulamo kala duwan Muqdisho kula yeeshay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadlay doorkooda ku aadan xoojinta wada shaqeynta dowladda iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here