Home WARARKA MAANTA Soomaaliya oo noqotay dalka saddexaad ee martigeliyay Qaxootiga Itoobiyaanka ah

Soomaaliya oo noqotay dalka saddexaad ee martigeliyay Qaxootiga Itoobiyaanka ah

2
0

Tuesday, September 1, 2026 {CBB}Soomaaliya ayaa noqotay dalka saddexaad Afrika ee martigeliyay Qaxootiga kasoo cararay colaadda ka jirta Dalkooda sida ay ku warrameen mas’uuliyiin ka shaqeeya la socodka Dadka ka barakacay Dalkaas oo Warbixin soosaaray.

Tirada dadka la diiwaangeliyay ayaa ah 23,645 Itoobiyaan ah kuwaas oo kasoo tallaabay xadka u dalkooda uu la wadaago Soomaaliya si ay uga fogaadaan colaadaha sokeeye ee dalkaas ka jira sida hadalka loo dhigay.

Liiska Soomaaliya ee qaabilidda Qaxootiga Itoobiyaanka ah waxaa keliya ka sarreeya Suudaan iyo Kenya oo iyanna ay tageen Dad Itoobiyaan ah oo u adkaysan waayay colaadaha aan dhammaadka lahayn sida warka lagu yiri.

Colaadda Itoobiya ee Dowladda Federaalka iyo Ismaamullada qaarkood waxa ay sababeen Amni darro baahsan oo ugu dambayn dadkii halkaas ku noolaa ku qasbanaaday in ay naftooda kala baxsadaan goobahaas si aanay waxyeello usoo gaarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here