Home WARARKA MAANTA Maamulka Koofur Galbeed oo ku goodiyay in uu dib u qabsanayo Deegaannada...

Maamulka Koofur Galbeed oo ku goodiyay in uu dib u qabsanayo Deegaannada gacantooda ka maqan

1
0

 Axad 29 Nov 2026 {CBB}Maamulka Koofur Galbeed ayaa ku goodiyay in uu qaadayo howlgallo ka dhan ah AS si ay dib uga qabsadaan deegaannada gacantooda ka maqan ee Dowlad Goboleedkaas si adeegyada Bulshada loo gaarsiiyo sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Nuur Siidow Baaba ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayo dib u qabsashada Deegaannadaas lagana saari doonno AS sida uu yiri

Nuur Baaba ayaa sidoo kale sheegay in ay is dhinac socdaan howlgallada ka dhanka ah AS iyo ballaarinta Adeegyada Bulshada sidaasi awgeed Shacabka looga baahan yahay in ay garab istaagaan Ciidamada Qalabka sida ee howlgalladaas wada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay ugu dhawaaqay howlgallo ka dhan ah AS iyo Maleeshiyaadka Taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulkaas, Cabdicasiis Laftagareen oo gacanta ku dhigay deegaanno katirsan maamulkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here